Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 26:2-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Markaasaa Saa'uul kacay, oo wuxuu ku dhaadacay cidladii Siif, isagoo wata saddex kun oo nin oo reer binu Israa'iil laga soo doortay, inuu Daa'uud ka soo doondoono cidlada Siif.

3. Kolkaasaa Saa'uul soo degay buurtii Xakiilaah, taasoo lamadegaanka ku hor taal, waddadana ku dhinac taal. Laakiinse Daa'uud cidladuu joogay, oo wuxuuna arkay in Saa'uul cidlada uga soo daba galay.

4. Sidaas daraaddeed Daa'uud basaasyuu soo diray, wuxuuna ogaaday in Saa'uul xaqiiqa ahaan yimid.

5. Markaasaa Daa'uud soo kacay oo yimid meeshii Saa'uul degay, oo Daa'uud wuxuu arkay meeshii Saa'uul jiifay, isaga iyo Abneer ina Neer oo ahaa sirkaalkii ciidankiisa, oo Saa'uulna wuxuu jiifay meeshii gaadhifardoodku joogay dhexdeeda, oo dadkuna hareerihiisay degeen.

6. Markaasaa Daa'uud jawaabay oo ku yidhi kii reer Xeed oo Axiimeleg ahaa iyo Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo Yoo'aabna walaalkiis ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Yaa ii raacaya Saa'uul xeraduu joogo? Kolkaasaa Abiishay ku yidhi, anaa ku raacaya.

7. Sidaasay Daa'uud iyo Abiishay dadkii ugu yimaadeen habeennimo, oo waxay arkeen Saa'uul oo hurda meeshii gaadhifardoodka dhexdeeda, oo warankiisiina dhulkuu ku mudnaa meel madaxiisa u dhow; oo Abneer iyo dadkiina hareerihiisay jiifeen.

8. Markaasaa Abiishay wuxuu Daa'uud ku yidhi, Maanta Ilaah wuxuu kuu soo gacangeliyey cadowgaagii. Haddaba waan ku baryayaaye i daa aan wareemee oo aan mar keliya dhulka ku qodbee, oo mar labaad ku dhufan maayo.

9. Markaasaa Daa'uud wuxuu Abiishay ku yidhi, Ha dilin, waayo, bal yaa gacan u qaadi kara Rabbiga kiisa subkan, oo haddana eedla'aan doona?

10. Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, waxaa isaga dili doona Rabbiga, ama maalintiisii baa iska iman doonta, amase dagaal buu geli doonaa markaasaa la dili doonaa.

11. Rabbiga ha iga fogeeyo inaan gacanta u qaado Rabbiga kiisa subkan. Haddaba waan ku baryayaaye inoo qaad waranka madaxiisa ag yaal iyo kusadda biyaha, oo ina keen aannu tagnee.

12. Sidaas aawadeed Daa'uud wuxuu Saa'uul madaxiisii ka ag qaatay warankii iyo kusaddii biyaha; kolkaasay tageen, oo ninnaba ma arkin, lamana ogayn, oo midna ma toosin, waayo, kulligood way wada hurdeen, maxaa yeelay, waxaa xagga Rabbiga kaga soo degtay hurdo weyn.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 26