Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 2:5-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Kuwii dhergi jiray waxay naftooda u kiraysteen kibis aawadeed. Kuwii gaajaysnaana way gaajo baxeen, Oo madhashadiina waxay dhashay toddoba, Oo tii carruur badan lahaydna way taag gabtay.

6. Rabbigu wax buu dilaa, wuuna soo nooleeyaa; Qabriguu wax geliyaa, wuuna ka soo bixiyaa.

7. Rabbigu isagaa wax masaakiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga. Wuu hoosaysiiyaa, wuuna sarraysiiyaa haddana.

8. Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa, Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa, Si uu amiirrada ula fadhiisiyo, Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan; Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh, Oo dunidana iyaguu saaray.

9. Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis; Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.

10. Kuwa Rabbiga la dirira waa la kala jejebin doonaa; Oo iyaga samaduu kaga soo onkodi doonaa, Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darfaha dunida; Oo wuxuu xoog u yeeli doonaa boqorkiisa, Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan.

11. Markaasaa Elqaanaah wuxuu tegey Raamaah iyo xaggii gurigiisii. Oo wiilkiina wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray wadaadkii Ceelii hortiisa.

12. Haddaba Ceelii wiilashiisii waxay ahaayeen wiilal waxmatarayaal ah, oo Rabbiga ma ay aqoon.

13. Haddaba caadadii wadaaddadu dadka la lahaayeen waxay ahayd, in markii nin uun allabari bixiyo uu midiidinka wadaadku iman jiray, inta hilibka la karinayo, isagoo gacanta ku sita hilibqabato saddex farood leh,

14. oo wuxuu ku dhex mudi jiray daawihii, ama kidhligii, ama digsigii, ama dherigii, oo kulli wixii qabatadu ay soo qaaddoba wadaadku wuu qaadan jiray. Oo saasay reer binu Israa'iilkii Shiiloh yimid oo dhan ku sameeyeen.

15. Oo weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane.

16. Oo haddii ninku ku yidhaahdo, Marka hore baruurta hubaal waa la gubayaa, dabadeedse intii naftaadu jeceshahay qaado; markaas wuxuu ku odhan jiray, Maya, saas ma aha, laakiinse haatan i sii, haddii kalese, xoog baan ku qaadan doonaa.

17. Oo raggii dhallinyarada ahaa dembigoodii aad buu ugu weynaa Rabbiga hortiisa; waayo, raggii waxay quudhsan jireen qurbaankii Rabbiga.

18. Laakiinse Samuu'eel wuxuu ka adeegi jiray Rabbiga hortiisa, isagoo wiil yar ah, ee guntan eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.

19. Oo weliba hooyadiisna waxay u samayn jirtay khamiis yar, oo sannad ka sannad ayay u keeni jirtay, markay ninkeeda soo raacdo inay bixiyaan allabarigii sannadda.

20. Oo Ceeliina waa u duceeyey Elqaanaah iyo afadiisiiba, oo wuxuu ku yidhi, Daynkii Rabbiga la siiyey aawadiis Rabbigu naagtan farcan ha kaa siiyo. Oo iyana waxay tageen xaggii gurigoodii.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 2