Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 12:19-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Markaasaa dadkii oo dhammu waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Addoommadaada u bari Rabbiga Ilaahaaga ah, yaannan dhimanne, waayo, dembiyadayadii oo dhan waxaan ku darsannay sharkan markaannu boqor weyddiisannay.

20. Oo Samuu'eelna wuxuu dadkii ku yidhi, Ha cabsanina; xaqiiqa, waxaad samayseen sharkan oo dhan, laakiinse gees ha uga leexanina Rabbiga lasocodkiisa, waxaadse ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan;

21. oo gees ha uga leexanina, waayo, markaas waxaad raaci lahaydeen waxyaalo aan micne lahayn ee aan waxba tari karin, waxna badbaadin karin, waayo, iyagu micne ma leh.

22. Maxaa yeelay, Rabbigu ka tegi maayo dadkiisa, magiciisa weyn aawadiis; maxaa yeelay, Rabbiga way ka farxisay inuu dad idinka dhigto.

23. Oo haddana aniga xaggayga, Ilaah ha iga fogeeyo inaan Rabbiga ku dembaabo, taasoo ah anoo joojinaya inaan idiin duceeyo; laakiinse waxaan idin barayaa jidka wanaagsan oo qumman.

24. Laakiinse idinku Rabbiga ka cabsada, oo si run ah qalbigiinna oo dhan ugu adeega; waayo, bal ka fiirsada waxyaalaha waaweyn oo uu idiin sameeyey.

25. Laakiinse haddaad shar sii samaysaan waa laydin baabbi'in doonaa idinka iyo boqorkiinnaba.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 12