Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 10:9-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Oo waxaa dhacday markuu dhabarka u jeediyey Samuu'eel, inuu Ilaah siiyey qalbi kale, oo calaamooyinkaasi oo dhammuna maalintaasay wada ahaadeen.

10. Oo markay buurtii yimaadeen waxaa la kulmay guuto nebiyo ah, oo Ruuxii Ilaahna si xoog leh ayuu ugu soo degay isagii, markaasuu dhexdoodii wax ka sii sheegay.

11. Oo kuwii mar hore isaga yiqiin oo dhammu, markay arkeen inuu nebiyada wax la sii sheegayo, ayaa dadkii midba kan kale ku yidhi, War waa maxay waxan ku dhacay wiilkii Qiish? Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?

12. Oo mid halkaas joogay ayaa isna yidhi, Oo aabbahoodna waa kuma? Sidaas daraaddeed taasu waxay noqotay maahmaah; Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?

13. Oo markuu dhammeeyey waxsheegiddii ayuu yimid meeshii sare.

14. Markaasaa Saa'uul adeerkiis wuxuu ku yidhi isagii iyo midiidinkiisiiba, War xaggee baad tagteen? Markaasuu yidhi, Dameerihii baannu doonnay, oo markaannu ogaannay inaan la helin ayaannu Samuu'eel u nimid.

15. Markaasaa Saa'uul adeerkiis wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wixii Samuu'eel idinku yidhi.

16. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu adeerkiis ku yidhi, Bayaan buu noogu sheegay in dameerihii la helay. Laakiinse xagga waxa boqortooyadii ku saabsan Samuu'eel ka hadlay uma uu sheegin.

17. Oo Samuu'eelna dadkii buu dhammaan isugu yeedhay xagga Rabbiga ilaa Misfaah;

18. oo wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidaasuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anaa Masar idinka soo bixiyey oo anaa idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo kulli boqortooyooyinkii idin dulmay gacantoodii oo dhan.

19. Laakiinse idinku maanta waad diiddeen Ilaahiinnii idinka badbaadshay belaayooyinkiinnii iyo dhibaatooyinkiinnii oo dhan, oo waxaad isagii ku tidhaahdeen, Maya, laakiinse boqor noo yeel. Haddaba Rabbiga hortiisa ku soo ururiya qabiilooyinkiinna, iyo kumanyaalkiinna.

20. Sidaas aawadeed Samuu'eel wuxuu soo dhoweeyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaa lala baxay qabiilkii reer Benyaamiin.

21. Oo haddana wuxuu soo dhoweeyey qabiilkii reer Benyaamiin oo qoys qoys ah, oo waxaa lala baxay qoyskii reer Matrii, oo waxaa kaloo lala baxay Saa'uul oo ahaa ina Qiish; laakiinse markay doondooneen waa la waayay.

22. Sidaas daraaddeed Rabbiga wax kalay sii weyddiiyeen, Weli ma waxaa jira nin kaloo halkan imanaya? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Bal eega, alaabta dhexdeeda ayuu ku dhuuntaye.

23. Oo intay ordeen ayay halkaas ka soo kexeeyeen, oo markuu dadkii soo dhex joogsaday, wuu ka dheeraa dadkii oo dhan garbihiisa iyo waxa ka sarreeyaba.

24. Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Ma aragtaan kan Rabbigu doortay inaan mid la mid ahu dadka ku jirin? Kolkaasaa dadkii oo dhammu dhawaaqeen oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.

25. Kolkaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii u sheegay sida boqortooyada xaalkeedu noqon doono, oo buug buuna ku qoray, oo Rabbiga hortiisa dhigay. Samuu'eelna markaasuu dadkii oo dhan iska diray, oo nin waluba gurigiisii buu tegey.

26. Oo Saa'uulna wuxuu tegey gurigiisii oo Gibecaah ku yiil; oo waxaa raacay isagii rag geesiyo ah, oo qalbigooda Ilaah taabtay.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 10