Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 92:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,

2. Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo, Habeen kastana aaminnimadaada,

3. Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.

4. Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.

5. Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.

6. Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 92