Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 86:6-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig, Oo codka baryootankayga maqal.

7. Maalinta aan dhibaataysnahay adaan ku baryi doonaa, Waayo, waad ii jawaabi doontaa.

8. Sayidow, adigoo kale ilaahyada kuma jiro, Oo shuqulladaadana wax la mid ahu ma jiraan.

9. Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan, Waxay ammaani doonaan magacaaga.

10. Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa, Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.

11. Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa, Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.

12. Sayidow Ilaahayow, qalbigayga oo dhan waan kugu ammaanayaa, Oo weligayba waxaan ammaani doonaa magacaaga.

13. Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay, Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.

14. Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen, Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan, Oo adigana kuuma ay soo jeesan.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 86