Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 86:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab, Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.

2. Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh, Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.

3. Sayidow, ii naxariiso, Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.

4. Sayidow, addoonkaaga naftiisa ka farxi, Waayo, naftayda adigaan kor kuugu soo qaadaa.

5. Waayo, Sayidow, waad wanaagsan tahay, oo waxaad diyaar u tahay inaad dembidhaafto, Waanad u naxariis badan tahay kuwa ku barya oo dhan.

6. Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig, Oo codka baryootankayga maqal.

7. Maalinta aan dhibaataysnahay adaan ku baryi doonaa, Waayo, waad ii jawaabi doontaa.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 86