Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 84:4-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan, Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.

5. Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado, Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan.

6. Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh, Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya.

7. Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan, Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda.

8. Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, baryadayda maqal, Ilaaha Yacquubow, bal dhegta ii dhig, (Selaah)

9. Ilaahow, gaashaankayagiiyow, bal eeg, Oo bal kaaga la subkay wejigiisa fiiri.

10. Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale. Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa, Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado.

11. Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan, Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda. Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.

12. Rabbiga ciidammadow, Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 84