Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 65:8-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga, Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.

9. Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa, Oo aad baad u barwaaqaysaa, Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa, Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.

10. Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa, Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda, Oo tiixtiix baad ku jilcisaa, Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.

11. Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga, Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.

12. Waxay ku tifqaan daaqa cidlada, Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 65