Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 65:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa, Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo.

2. Kaaga baryootanka maqlow, Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.

3. Waxaa iga adkaada xumaatooyin, Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.

4. Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 65