Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 57:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.

2. Waxaan u qayshanayaa Ilaaha ugu sarreeya, Oo ah Ilaaha wax kasta ii sameeya.

3. Isagu samaduu caawimaad ka soo diri doonaa, wuuna i badbaadin doonaa, Markuu kan i liqi lahaa i caayo, (Selaah) Ilaah wuxuu soo diri doonaa naxariistiisa iyo runtiisa.

4. Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo, Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday, Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho, Oo carrabkooduna yahay seef af badan.

5. Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 57