Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 48:3-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.

4. Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.

5. Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.

6. Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.

7. Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.

8. Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 48