Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 24:6-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona, Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)

7. Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.

8. Bal waa ayo Boqorka ammaantu? Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan, Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.

9. Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.

10. Bal waa ayo Boqorkan ammaantu? Waa Rabbiga ciidammada, Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 24