Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 24:2-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay, Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.

3. Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?

4. Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.

5. Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.

6. Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona, Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 24