Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 137:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon, Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.

2. Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.

3. Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay, Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.

4. Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa Dal qalaad dhexdiis?

5. Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo, Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 137