Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 132:2-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,

3. Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,

4. Indhahayga seexasho isugu qaban maayo, Il iyo baalna isu keeni maayo,

5. Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.

6. Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah, Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.

7. Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa, Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 132