Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 108:5-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,

6. Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.

7. Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod,

8. Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.

9. Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 108