Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ruud 3:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo markaasaa Nimco oo ahayd soddohdeed ayaa waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, miyaanan nasasho kuu doonayn inay ku wanaagsanaato?

2. Haddaba sow Bocas oo ka mid ah xigaalkayaga ma joogo kaasoo aad addoommihiisii la joogtay? Bal eeg, caawa wuxuu shaciir ku haadinayaa meesha wax lagu tumo.

3. Haddaba maydho, oo subko, oo dharkaagana xidho, oo waxaad tagtaa meesha wax lagu tumayo; laakiinse ninka ha istusin ilaa uu dhammaysto waxa uu cunayo oo cabbayo.

4. Oo markuu seexdo, meeshuu jiifsado fiirso, oo markaas u gal, oo cagihiisa bannee, oo iska jiifso, oo isna wuxuu kuu sheegi doonaa waxaad samayn lahayd.

5. Oo iyana waxay Nimco ku tidhi, Waxaad tidhi oo dhan waan yeeli doonaa.

6. Markaasay tagtay meeshii wax lagu tumi jiray, oo waxay samaysay kulli wixii soddohdeed ku amartay.

7. Oo Bocasna markuu wax cunay oo wax cabbay qalbigiisu waa faraxsanaa, oo wuxuu aaday inuu jiifsado meel tuulmo hadhuudh ah ka dambaysa. Markaasay aayar u timid oo cagihiisii bannaysay, oo way jiifsatay.

8. Oo habeenbadhkii ayaa ninkii argaggaxay, oo wuu isrogay, oo bal eeg, naag baa cagihiisa jiiftay.

akhri dhamaystiran cutubka Ruud 3