Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Nexemyaah 13:21-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Markaasaan iyagii u digay oo ku idhi, War maxaad derbiga hareerihiisa ugu hoyataan? Haddaad mar dambe saas yeeshaan gacan baan idin saarayaa. Oo ayaantaas ka dib mar dambe ma ay iman maalin sabti ah.

22. Oo waxaan kuwii reer Laawi ku amray inay isdaahiriyaan iyo inay yimaadaan oo irdaha dhawraan si ay quduus uga dhigaan maalinta sabtida. Ilaahayow, taas aawadeedna ii xusuuso, oo iigu tudh siday weynaanta naxariistaadu tahay.

23. Oo waagaas waxaan kaloo arkay Yuhuuddii oo guursatay naago ah reer Ashdood, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab.

24. Oo carruurtoodii badhkoodna waxay ku hadli jireen afkii reer Ashdood, oo afkii Yuhuuddana kuma ay hadli karin, laakiinse waxay ku hadli jireen sidii afkii dadyow kasta.

25. Oo anna iyagii waan la diriray, waanan caayay, oo qaarkoodna waan dilay, oo timahoodiina waan ka rifay, waanan ku dhaarshay Ilaah, oo ku idhi, Waa inaydnaan gabdhihiinna u guurin wiilashooda, gabdhahoodana ha u guurinina wiilashiinna, idinkuna ha guursanina.

26. War Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil sow isba waxyaalahan kuma dembaabin? In kastoo aan quruumo badan dhexdooda boqor isagoo kala ah laga heli karin, oo uu Ilaahiisuna jeclaa, oo uu Ilaah ka dhigay boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan, haddana xataa isagii waxaa dembaajiyey naago qalaad.

27. Haddaba miyaannu idin dhegaysannaa si aannu sharkan oo dhan u samayno oo intaan naago qalaad guursanno miyaannu Ilaahayaga ku xadgudubnaa?

28. Oo Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare wiilashiisii midkood oo Yooyaadaac ahaa waxaa soddog u ahaa Sanballad oo ahaa reer Xoron; oo sidaas daraaddeed ayaan isaga eryay.

akhri dhamaystiran cutubka Nexemyaah 13