Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Nexemyaah 10:14-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Oo madaxdii dadkuna waxay ahaayeen: Farcosh, iyo Faxad Moo'aab, iyo Ceelaam, iyo Satuu, iyo Baanii,

15. iyo Bunnii, iyo Casgaad, iyo Beebay,

16. iyo Adoniiyaah, iyo Bigway, iyo Caadiin,

17. iyo Aateer, iyo Xisqiyaah, iyo Casuur,

18. iyo Hoodiyaah, iyo Xaashum, iyo Beesay,

19. iyo Xaariif, iyo Canaatood, iyo Noobay,

20. iyo Magfiicaash, iyo Meshullaam, iyo Xeesiir,

21. iyo Mesheysabeel, iyo Saadooq, iyo Yadduuca,

22. iyo Felatyaah, iyo Xaanaan, iyo Canaayaah,

23. iyo Hoosheeca, iyo Xananyaah, iyo Xashuub,

24. iyo Hallooxeesh, iyo Filxaa, iyo Shoobeeq,

25. iyo Rexuum, iyo Xashabnaah, iyo Macaseeyaah,

26. iyo Axiiyaah, iyo Xaanaan, iyo Caanaan,

27. iyo Malluug, iyo Haarim, iyo Bacanaah.

28. Oo dadka intiisii kale oo dhan oo ahaa wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo reer Netiiniim, iyo kulli intii iska soocday dadyowgii dalka degganaa oo raacday sharcigii Ilaah, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodii, iyo mid kasta oo lahaa aqoon iyo waxgarasho,

29. waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa,

30. iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn;

31. iyo haddii dadyowga dalka degganu ay maalinta sabtida keenaan waxyaalo iib ah iyo cunto uun inaynaan iibsanayn maalintii sabtida iyo maalin quduus ah toona, iyo inaan sannadda toddobaad beeraha dayno oo qaan kasta saamaxno.

32. Oo weliba waxaynu samaysannay amarro inagu xukumaya inaynu sannad kasta sheqel saddexdaloolkiis u bixinayno adeegidda guriga Ilaaheenna, taas oo ah:

akhri dhamaystiran cutubka Nexemyaah 10