Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Miikaah 1:6-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Haddaba sidaas daraaddeed waxaan Samaariya ka dhigi doonaa sidii taallo burbur ah oo duurka ku taal, iyo sidii meel beercanab laga beerto, oo dhagxanteedana waxaan ku dhex daadin doonaa dooxada, oo aasaaskeedana waan soo bannayn doonaa.

7. Taswiiraheeda xardhan oo dhan waa la wada burburin doonaa, oo kirooyinkeeda oo dhanna dab baa lagu gubi doonaa, oo sanamyadeeda oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, waayo, iyadu waxay ku soo urursatay dhillo kiradeed, oo kulligoodna waxay dib ugu noqon doonaan dhillo kiradeed.

8. Haddaba taas daraaddeed ayaan u ooyi doonaa oo u barooran doonaa, oo anoo cago cad oo qaawan ayaan wareegi doonaa, oo waxaan u dhawaaqi doonaa sida dawacooyinku u ciyaan oo kale, oo waxaan u qaylin doonaa sida goroyadu u cido oo kale.

9. Waayo, nabraheedu ma bogsan karaan, oo xataa waxay soo gaadheen dalka Yahuudah, oo waxay soo gaadheen xataa iridda dadkayga taasoo ah Yeruusaalem.

10. Gad ha ku dhex sheegina, hana ooyina, oo Beytlecafraah dhexdeeda boodhka ku galgasha.

11. Kaaga Shaafiir degganow, bax adoo qaawan oo ceebaysan. Kan Sa'anaan degganu soo ma bixin. Baroorta Beytesel waxay idinka qaadan doontaa meesha aad ku tiirsato.

12. Waayo, kan Maarood degganu aad buu u sugayaa wanaag, maxaa yeelay, belaayo baa xagga Rabbiga ka soo degtay, oo waxay soo gaadhay iridda Yeruusaalem.

13. Kan Laakiish degganow, gaadhiga ku dhuuji faraska dheereeya. Laakiish waxay dadka Siyoon u ahayd bilowgii dembiga, maxaa yeelay, xadgudubyadii dadka Israa'iil ayaa laga dhex helay.

14. Haddaba sidaas daraaddeed waxaad Mooreshed Gad siin doontaa hadiyado. Reeraha Aksiib waxay boqorrada dalka Israa'iil u noqon doonaan wax khiyaano badan.

akhri dhamaystiran cutubka Miikaah 1