Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 24:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Dad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.

2. Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.

3. Guri wuxuu ku dhismaa xigmad, Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho,

4. Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.

5. Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.

6. Waayo, waa inaad talo wanaagsan ku dagaallantaa, Oo waxaa taliyayaal badan la jirta nabadgelyo.

7. Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay, Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.

8. Kii ku fikira inuu xumaan sameeyo, Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.

9. Fikirka nacasnimadu waa dembi, Kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka.

10. Maalinta dhibaatada haddaad liicdid, Itaalkaagu waa yar yahay.

11. Samatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo, Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 24