Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 9:8-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Sidaas daraaddeed ayuu Haaruun u soo dhowaaday meeshii allabariga, oo wuxuu gowracay weylkii isaga nafsaddiisa u ahaa qurbaanka dembiga.

9. Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga, oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga.

10. Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray.

11. Oo hilibkii iyo haraggiina wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah.

12. Oo haddana wuxuu gowracay neefkii qurbaanka la gubo ahaa, markaasaa wiilashii Haaruun waxay isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

13. Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga.

14. Markaasuu biyo ku maydhay uurkujirtii iyo addimmadii, oo wuxuu ku dul gubay qurbaankii la gubayay oo meesha allabariga saarnaa.

15. Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii dadka, oo wuxuu soo waday ridii dadka u ahayd qurbaankii dembiga, wuuna gowracay oo u bixiyey dembi aawadiis, siduu kan hore yeelay.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 9