Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 4:6-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka meesha quduuska ah.

7. Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga ee fooxa oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.

8. Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

9. iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado,

10. sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo.

11. Oo dibiga haraggiisa iyo hilibkiisa oo dhan, iyo madaxiisa, iyo addimmadiisa, iyo uurkujirtiisa, iyo uuskiisa,

12. iyo xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan, taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.

13. Oo ururka reer binu Israa'iil oo dhammu hadduu qaldamo, oo ay waxaasu indhaha shirka ka qarsoon yihiin, oo ay sameeyaan wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo ay saas eed ku leeyihiin,

14. dembigii ay dembaabeen markii la ogaado, shirku waa inuu dibi yar qurbaan dembi u bixiyaa, oo uu dibiga keenaa teendhada shirka horteeda.

15. Oo odayaasha ururku waa inay Rabbiga hortiisa gacmahooda ku saaraan madaxa dibiga, oo dibiga Rabbiga hortiisa ha lagu gowraco.

16. Oo wadaadka subkanu waa inuu dibiga dhiiggiisa keenaa teendhada shirka,

17. oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka.

18. Oo isagu waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.

19. Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa.

20. Oo dibiga ha ku sameeyo siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa.

21. Oo dibiga waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu gubaa siduu dibigii hore u gubay oo kale, waayo, kaasu wuxuu shirka u yahay qurbaanka dembiga.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 4