Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 4:31-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

31. Oo xaydhiisa oo dhanna waa in laga bixiyaa sidii xaydha looga bixiyo allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, si ay Rabbiga ugu ahaato caraf udgoon; oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna waa la cafiyi doonaa.

32. Oo hadduu neef ido yar ah u keeno qurbaanka dembigana waa inuu neef dhaddig oo aan iin lahayn keenaa.

33. Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka dembiga ah, oo waa inuu qurbaanka dembiga ugu gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 4