Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 22:19-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. si laydiinka aqbalo aawadeed waa inaad bixisaan neef lab oo aan iin lahayn, kaasoo ka mid ah lo'da, ama idaha, ama orgida.

20. Laakiinse waa inaydaan bixin wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo.

21. Oo ku alla kii Rabbiga u bixiyo allabari qurbaanno nabaadiino ah, si uu ku oofiyo nidar amase qurbaan ikhtiyaar ah, si looga aqbalo aawadeed waa inuu ka bixiyaa lo'da ama idaha neef dhan oo aan innaba iin lahayn.

22. Waa inaydaan Rabbiga u bixin ama aydaan ka dhigin qurbaan dab lagu sameeyo oo meesha allabariga loo saaro Rabbiga aawadiis neef indha la', ama mid jaban, ama mid naafo ah, ama mid qoon leh, ama mid cambaar qaba, ama mid cadho qaba.

23. Oo dibi yar ama wan yar miduu yahayba neefkii jidhkiisu wax dheeraad ah leeyahay ama xubnihiisa wax ka dhiman yihiin, kaas qurbaan ikhtiyaar ah waad u bixin kartaa, laakiinse nidar daraaddiis loo aqbali maayo.

24. Waa inaydaan Rabbiga u bixin neef xiniinyihiisa la burburiyey, ama la tumay, ama la jejebiyey, ama laga gooyay, oo waa inaydaan dalkiinna sidaasoo kale ku dhex samayn.

25. Oo kuwaas waa inaydaan ka guddoomin qof shisheeye ah gacantiis oo aydaan ku bixin cuntada Ilaahiinna, maxaa yeelay, iyagu wax kharriban bay leeyihiin, oo iin baa ku taal. Sidaas daraaddeed iyaga innaba laydinka aqbali maayo.

26. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

27. Markii uu dhasho dibi ama wan ama orgi intii toddoba maalmood ah waa inuu hooyadiis ku hoos jiraa, oo maalinta siddeedaad iyo intii ka dambaysana waa loo aqbali doonaa in Rabbiga loogu bixiyo qurbaan dab lagu sameeyo.

28. Oo sac iyo lax toona waa inaydaan ilmaheeda iyo iyada isku maalin gowracin.

29. Oo markaad Rabbiga u bixinaysaan allabari mahadnaqid ah, waa inaad kaas u bixisaan si laydiinka aqbalo.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 22