Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 22:12-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Oo wadaad gabadhiis hadday nin qalaad guursato, iyadu waa inayan wax ka cunin qurbaanka sare loo qaado ee waxyaalaha quduuska ah.

13. Laakiinse wadaad gabadhiis hadday carmal tahay, ama la soo furay, oo ayan carruur lahayn, oo ay ku soo noqoto gurigii aabbaheed, oo ay halkaas u joogto sidii waagii ay yarayd, markaas iyadu wax ha ka cunto cuntada aabbaheed, laakiinse qof qalaadu yuusan wax ka cunin.

14. Oo waxa quduuska ah haddii nin kama' ku cuno, intii uu cunay oo shan meelood loo dhigay meesheed ha ku sii daro, oo waxa quduuska ah wadaadka ha u dhiibo.

15. Oo iyagu waa inayan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah ee reer binu Israa'iil oo ay Rabbiga u bixiyaan,

16. si ayan uga dhigin inay iyagu qaataan xumaanta eedda keenta, markay cunaan waxyaalahooda quduuska ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

17. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

18. Waxaad la hadashaa Haaruun iyo wiilashiisa iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama dadka shisheeyayaasha ah ee reer binu Israa'iil dhex deggan, markay keenaan qurbaankooda ay Rabbiga ugu bixinayaan qurbaan la gubo aawadiis, hadduu yahay nidarradooda midkood amase qurbaannadooda ikhtiyaarka ah,

19. si laydiinka aqbalo aawadeed waa inaad bixisaan neef lab oo aan iin lahayn, kaasoo ka mid ah lo'da, ama idaha, ama orgida.

20. Laakiinse waa inaydaan bixin wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 22