Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 14:22-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. iyo laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo, oo middood waa inay ahaato qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo.

23. Oo waa inuu maalinta siddeedaad daahirintiisa aawadeed wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka agteeda oo Rabbiga hortiisa ah.

24. Oo wadaadku markaas waa inuu soo qaadaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, iyo logga saliidda ah, oo wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo.

25. Oo waa inuu gowracaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo wadaadku waa inuu dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis soo qaadaa, oo taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.

26. Oo waa in wadaadku saliidda ku shubaa calaacasha gacantiisa bidix.

27. Oo waa inuu saliidda calaacashiisa bidix ku jirta qaarkeed toddoba jeer fartiisa midig kula saydhaa Rabbiga hortiisa.

28. Oo waa in wadaadku saliidda calaacashiisa ku jirta qaarkeed taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo meeshii uu ku yiil dhiiggii qurbaanka xadgudubku.

29. Oo saliidda wadaadka gacantiisa ku jirta inteeda kalena waa inuu mariyaa kan la daahirinayo madaxiisa, si uu isaga kafaaraggud ugu sameeyo Rabbiga hortiisa.

30. Oo markaas waa inuu bixiyaa mid ka mid ah qoolleyaha ama xamaamka yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo.

31. Oo xataa waxaas uu heli karo middood ha u bixiyo qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo qurbaankii hadhuudhka la socda, oo wadaadku waa inuu kan la daahirinayo kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa.

32. Kaasu waa sharciga ku saabsan qofkii cudurka baraska ah qaba, oo aan awoodin inuu keeno wixii daahirintiisa waajibka ku ahaa.

33. Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

34. Idinku markaad gashaan dalka reer Kancaan oo aan hantida idiin siinayo, haddaan cudurka baraska ah ku rido guri ku yaal dalka hantidiinna ah,

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 14