Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 8:10-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Kulligiin isla tashada, taladiinnuna way buri doontaa, erayga ku hadla, mana hagaagi doono, waayo, Ilaah baa nala jira.

11. Waayo, Rabbigu sidaasuu igula hadlay, isagoo gacan xoog badan leh, oo wuxuu iiga digay inaanan ku socon jidka dadkanu ay ku socdaan, wuxuuna igu yidhi,

12. Ha odhanina, Waa fallaagow waxa dadkanu fallaagow yidhaahdaan oo dhan, hana ka cabsanina wixii ay ka cabsadaan, oo innaba ha argaggixina.

13. Quduus ka dhiga Rabbiga ciidammada, oo isagu ha ahaado kan aad ka cabsataan oo aad ka argaggaxdaanba.

14. Oo wuxuu ahaan doonaa meel quduus ah, laakiinse labada qoys oo reer binu Israa'iilba wuxuu u noqon doonaa dhagax lagu turunturoodo iyo sallax lagu xumaado, oo dadka Yeruusaalem degganna wuxuu u noqon doonaa dabin iyo siriq.

15. Oo kuwa badan ayaa turunturoon doona, oo kufi doona, oo jebi doona, waana la dabi doonaa, oo la qabsan doonaa.

16. Markhaatifurka xidh, oo sharcigana xertayda dhexdeeda ku shaabadee.

17. Anigu waxaan sugi doonaa Rabbiga wejigiisa dadka Yacquub ka qariya, oo isagaan filan doonaa.

18. Bal eega, aniga iyo carruurta Rabbigu i siiyeyba waxaannu reer binu Israa'iil u nahay calaamado iyo yaabab ka yimid xagga Rabbiga ciidammada oo deggan Buur Siyoon.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 8