Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 54:11-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.

12. Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah.

13. Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn.

14. Xaqnimaad ku dhismi doontaa, oo dulmina waad ka fogaan doontaa, waayo, ma aad cabsan doontid, oo cabsigelintana waad ka fogaan doontaa, waayo, innaba kuuma ay soo dhowaan doonto.

15. Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa.

16. Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed.

17. Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 54