Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 38:12-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday. Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.

13. Oo tan iyo aroortii ayaan fikirayay, isagu lafahayga oo dhan ayuu u jejebiyaa sida libaax oo kale, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.

14. Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay. Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.

15. Haddaba bal maxaan idhaahdaa? Isagu wuu ila hadlay, oo weliba isaga qudhiisaa waxan sameeyey. Haddaba cimrigayga oo dhan tartiib baan u socon doonaa qadhaadhka naftayda aawadiis.

16. Sayidow, dadku waxyaalahanuu ku nool yahay, Oo ruuxa noloshayduna wuxuu ku jiraa waxyaalahan oo dhan. Haddaba i bogsii, oo i noolaysii.

17. Bal eeg, nabadgelyadayda aawadeed ayaan qadhaadh weyn u qabay, Laakiinse naftayda waad jeclaatay, oo sidaas daraaddeed yamayskii qudhunka waad ka samatabbixisay, Waayo, dembiyadaydii oo dhan waxaad ku tuurtay gadaashaada.

18. Waayo, She'ool kuguma mahadnaqi karo, oo dhimashaduna kuma ammaani karto, Oo kuwa yamayska hoos ugu dhacana runtaada rajo kama qabi karaan.

19. Kan nool, kan nool oo keliya ayaa kugu mahadnaqi doona sidaan aniguba maanta yeelayo. Aabbuhu wuxuu runtaada ogeysiin doonaa carruurtiisa.

20. Rabbigu waa u diyaar inuu i badbaadiyo, Haddaba sidaas daraaddeed annagu cimriga noloshayada oo dhan Waxaannu guriga Rabbiga ku dhex gabyi doonnaa gabayadayda annagoo alaab xadhko leh ku cayaarayna.

21. Nebi Ishacyaah wuxuu yidhi, Ha la qaado fud berde ah, oo kasoobaxa ha la saaro, oo isna wuu bogsan doonaa.

22. Oo weliba Xisqiyaahna wuxuu yidhi, Maxaa calaamad ii ah inaan guriga Rabbiga u kici doono?

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 38