Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 19:16-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Oo wakhtigaas Masriyiintu waxay noqon doonaan sida naago oo kale, oo waxay la gariiri doonaan oo la cabsan doonaan ruxruxidda gacanta Rabbiga ciidammada, oo uu Masar korkeeda ku ruxruxi doono.

17. Oo dalka Yahuudahna cabsi buu Masar u noqon doonaa, oo mid kasta oo la xusuusiyaaba wuu ka cabsan doonaa, waana talada Rabbiga ciidammadu uu iyaga u goostay aawadeed.

18. Oo wakhtigaas waxaa dalka Masar jiri doona shan magaalo oo afka Kancaan ku hadasha oo Rabbiga ciidammada ku dhaarata, oo middoodna waxaa lagu magacaabi doonaa Magaalada baabba'a.

19. Oo wakhtigaas dalka Masar dhexdiisa meel allabari baa Rabbiga ugu oolli doonta, oo soohdinteedana waxaa Rabbiga u jiri doona tiir.

20. Oo taasu waxay calaamad iyo markhaati dalka Masar dhexdiisa ugu noqon doontaa Rabbiga ciidammada, waayo, kuwa dulma aawadood ayay Rabbiga ugu qayshan doonaan, oo isna wuxuu u soo diri doonaa badbaadiye iyo mid xoog badan, wuuna samatabbixin doonaa.

21. Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu Masriyiinta is-ogeysiin doonaa, oo ay Masriyiintuna Rabbiga aqoon doonaan, oo waxay ku caabudi doonaan allabari iyo qurbaan, oo Rabbiga ayay nidar u nidri doonaan, wayna oofin doonaan.

22. Oo Rabbigu wax buu Masar ku dhufan doonaa, wax buu ku dhufan doonaa, wuuna dawayn doonaa, oo iyana Rabbigay u soo noqon doonaan, oo isna baryootankooda ayuu aqbali doonaa, wuuna bogsiin doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 19