Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 10:18-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. oo wuxuu dhammayn doonaa ammaanta duuddiisa iyo beertiisa midhaha badanba, iyo naf iyo jidhba, oo waxay noqon doontaa sidii markii calanqaade taag darnaado.

19. Oo geedaha duuddiisa ku hadhayna waxay noqon doonaan in yar oo ilma yaru tiradooda qori karo.

20. Oo waxay maalintaas noqon doontaa in kuwa dadka Israa'iil ka hadhay iyo intii dadka Yacquub ka baxsatayba ayan mar dambe ku tiirsan kii iyaga wax ku dhuftay, laakiinse waxay si run ah ugu tiirsan doonaan Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo dadka Israa'iil.

21. Qaar hadhay baa soo noqon doona, xataa qaar hadhay oo dadka Yacquub waxay u soo noqon doonaan Ilaaha xoogga badan.

22. Israa'iilow, in kastoo dadkaagu u badan yahay sida cammuudda badda, qaar yar oo qudha ayaa soo noqon doona, oo baabba' la soo amray ayaa caddaalad la qarqi doona.

23. Waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu baabbi'id la amray ku samayn doonaa dhulka dhexdiisa oo dhan.

24. Haddaba sidaa daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkayga Siyoon degganow, kan reer Ashuur ha ka baqin. Ushiisuu kugu dhufan doonaa, oo hangoolkiisuu kuu qaadan doonaa sida Masriyiintu sameeyeen oo kale,

25. laakiin, weli wakhti yar baa hadhay, dabadeedna dhirifkaygu wuu idlaan doonaa, oo cadhadayduna way ku dhammaan doontaa baabba'ooda.

26. Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 10