Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Hoosheeca 7:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba markii aan damco inaan dadka Israa'iil bogsiiyo ayaa waxaa la soo bandhigaa xumaantii reer Efrayim, iyo sharnimadii dadka Samaariya, waayo, waxay sameeyaan wax been ah, oo tuuggiina guduhuu galaa, guutada shuftada ahuna dibadday wax ka dhacaan.

2. Oo qalbiga kagama ay fikiraan inaan xumaantooda oo dhan xusuusto. Haatan waxaa iyagii dhinacyada ka hareereeyey falimahoodii, oo way i hor yaallaan.

3. Waxay boqorka kaga farxiyaan xumaantooda, oo amiirradana beentooda.

4. Dhammaantood waa dhillayo, oo waa sida foorno uu kibisdubuhu kululeeya oo dabka ololintiisa joojiyaa uun markuu cajiinka cajiimayo ilaa uu cajiinku khamiiro.

5. Maalinta boqorkayaga amiirradu way isku bukaysiiyeen kulaylka khamriga, isagu wuxuu gacanta u taagay kuwo wax quudhsada.

6. Waayo, iyagu waxay qalbigoodii u diyaariyeen sidii foorno oo kale intii ay wax u gabbanayeen, oo kibisdubahoodiina wuu hurdaa habeenkii oo dhan, oo aroortiina qalbigu waa u qaxmayaa sida dab ololaya oo kale.

7. Iyagu dhammaantood waxay u kulul yihiin sida foorno oo kale, oo waxay baabbi'iyaan xaakinnadooda, oo boqorradii oo dhammuna waxay yihiin kuwa dhacay, oo dhexdooda lagama arko innaba mid i barya.

8. Reer Efrayim dadyowguu isku dhex qasaa, reer Efrayim waa sida kibis aan la wada dubin.

9. Shisheeyayaal ayaa xooggiisa dhammeeyey, oo isna maba oga. Xataa cirraa ka soo baxday, oo isna maba oga.

akhri dhamaystiran cutubka Hoosheeca 7