Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Gabaygii Sulaymaan 2:2-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Sida ubaxshooshanku qodxanta ku dhex yahay, Ayay taan jeclahayna gabdhaha ku dhex tahay.

3. Sida geedka tufaaxa ahu uu dhirta duurka ku dhex yahay, Ayuu gacaliyahayguna wiilasha ku dhex yahay. Hooskiisaan fadhiistay anigoo aad u faraxsan, Oo midhihiisuna way ila dhadhan macaanaayeen.

4. Wuxuu i keenay guriga diyaafadda, Oo calankiisii i kor sudhnaana wuxuu ahaa jacayl.

5. Sabiib igu quudi, oo tufaax igu noolee, Waayo, anigu caashaq baan la bukaa.

6. Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosaysaa, Oo gacantiisa midigna way igu duuban tahay.

akhri dhamaystiran cutubka Gabaygii Sulaymaan 2