Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Gabaygii Sulaymaan 2:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Anigu waxaan ahay ubaxnarjiska Shaaroon, Iyo ubaxshooshanka dooxooyinka.

2. Sida ubaxshooshanku qodxanta ku dhex yahay, Ayay taan jeclahayna gabdhaha ku dhex tahay.

3. Sida geedka tufaaxa ahu uu dhirta duurka ku dhex yahay, Ayuu gacaliyahayguna wiilasha ku dhex yahay. Hooskiisaan fadhiistay anigoo aad u faraxsan, Oo midhihiisuna way ila dhadhan macaanaayeen.

4. Wuxuu i keenay guriga diyaafadda, Oo calankiisii i kor sudhnaana wuxuu ahaa jacayl.

5. Sabiib igu quudi, oo tufaax igu noolee, Waayo, anigu caashaq baan la bukaa.

6. Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosaysaa, Oo gacantiisa midigna way igu duuban tahay.

7. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

akhri dhamaystiran cutubka Gabaygii Sulaymaan 2