Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Esteer 7:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u yimaadeen inay Boqorad Esteer martiqaadkeedii ka qayb galaan.

2. Oo haddana maalintii labaad intii la fadhiyey martiqaadkii khamriga ayaa boqorkii Esteer ku yidhi, Boqorad Esteeray, baryadaadu waa maxay? Waa lagu siinayaaye. Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay, waa laguu yeelayaaye.

3. Markaasaa Boqorad Esteer jawaabtay oo waxay tidhi, Boqorow, haddaad raalli iga tahay oo aad ku faraxdid, baryadayda aawadeed naftayda ha la ii bixiyo, oo weyddiisashadayda aawadeedna dadkaygu ha ii badbaado,

4. waayo, aniga iyo dadkaygiiba waxaa loo iibiyey in nala baabbi'iyo, oo nala laayo oo aan halaaganno. Laakiinse haddii naloo iibiyey inaan ahaanno rag iyo dumar addoommo ah, waan iska aamusi lahaa, in kastoo cadowgu aanu boqorka khasaaradiisa ka xaq marin karin.

5. Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer ku yidhi, Yuu yahay, xaggee buuse joogaa, kan ku dhaca oo qalbigiisa sidaas kaga fikiray inuu waxaas yeelo?

akhri dhamaystiran cutubka Esteer 7