Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Daanyeel 4:16-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Qalbigiisuna kan dadka ha ka beddelmo, qalbiga xayawaankana isaga ha la siiyo; toddoba wakhtina ha gudbeen.

17. Xukunkii waxaa amray kuwa wax dhawra xaalkuna wuxuu ku jiraa hadalka kuwa quduuska ah, sababtu waa in waxa noolu ogaadaan in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo, oo uu madax uga dhigo kan dadka ugu hooseeya.

18. Anigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira.

19. Markaasaa Daanyeel oo magiciisu ahaa Beelteshaasar, ayaa inta wakhti ah yaabbanaa, fikirradiisiina wuu la welwelay. Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi, Beelteshaasarow, ha ka welwelin riyada ama fasirkeeda. Beelteshaasarna waa jawaabay oo yidhi, Sayidkaygiiyow, riyadu ha u noqoto kuwa ku neceb, fasirkeeduna ha u noqdo cadaawayaashaada.

20. Geedkii aad aragtay, oo koray, oo xoogga badnaa, oo dhererkiisu cirka gaadhay, ee dhulka oo dhan laga arkayay,

21. oo caleemihiisu qurxoonaayeen, midhihiisuna badnaayeen, oo cuntada wax walba ku filanu ku tiil; oo hoostiisa xayawaanka duurku hadhsanayeen, oo laamihiisa haadka cirku rugta ka dhigtay,

22. waa adiga oo koray oo xoog badan yeeshay Boqorow, waayo, weynaantaadii way badatay oo cirka gaadhay dowladnimadaaduna meesha dhulka ugu shishaysa.

23. Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,

24. fasirkii waa kan, Boqorow, waana amarkii Ka ugu Sarreeya, oo kugu soo degay adoo sayidkayga ah boqorow.

25. Dadka waa lagaa fogayn doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo sidii dibi ayaad doog u cuni doontaa, oo waxaa ku qoyn doona dharabka samada, toddoba wakhtina waa ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.

26. Oo sida loo amray in la daayo jiridda iyo xididdada geedka, ayaa boqortooyadaadu hubaal ku noqon doontaa, markaad ogaato inay samooyinku wax u taliyaan.

27. Haddaba Boqorow, taladayda aqbal, dembiyadaadana xaqnimo ku jebi, xumatooyinkaagana ku jebi naxariista aad masaakiinta u naxariisatid si ay xasilloonaantaadu u sii raagto.

28. Waxyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar.

akhri dhamaystiran cutubka Daanyeel 4