Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cesraa 8:15-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Oo iyaga waxaan ku soo wada ururiyey webiga u socda xagga Ahawaa, oo halkaasaannu degganayn saddex maalmood; markaasaan dadkii iyo wadaaddadii u fiirsaday, oo halkaasna kama aan helin mid reer Laawi ah.

16. Oo markaasaan u cid diray Eliiceser, iyo Arii'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elnaataan, iyo Yaariib, iyo Elnaataan, iyo Naataan, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam, oo wada ahaa rag madax ah, iyo weliba Yooyaariib iyo Elnaataan, oo iyana ahaa macallimiin.

17. Oo waxaan iyagii u diray Iddo oo madax ka ahaa meesha Kaasifiyaa la yidhaahdo; oo waxaan iyagii u sheegay wixii ay ku odhan lahaayeen Iddo iyo walaalihiis oo reer Netiiniim ah oo jooga meesha la yidhaahdo Kaasifiyaa, inay noo keenaan midiidinno ka dhex adeega guriga Ilaahayaga.

18. Oo sidii ay gacanta wanaagsan oo Ilaahayagu noo saarnayd, waxay noo keeneen nin waxgarad ah oo ah reer Maxlii, oo ka ah reer Laawi, oo ka sii ah reer binu Israa'iil, iyo Sheereebyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis oo siddeed iyo toban isku ahaa,

19. iyo Xashabyaah, iyo Yeshacyaah oo ahaa reer Meraarii, iyo walaalihiis iyo wiilashoodii oo labaatan isku ahaa,

20. iyo reer Netiiniim oo ay Daa'uud iyo amiirradiisii u dhiibeen adeegiddii reer Laawi oo laba boqol iyo labaatan ahaa, oo dhammaantoodna ninba magiciisii baa loogu yeedhi jiray.

21. Oo markaasaan, intii aannu joognay Webi Ahawaa, halkaas kaga dhawaaqay in la soomo, inaannu isku hoosaysiinno Ilaahayaga hortiisa, inaannu ka barinno jid toosan oo annaga iyo dhallaankayaga iyo xoolahayaga oo dhammuba aannu marno.

22. Waayo, waxaan ka xishooday inaan boqorka weyddiisto koox askar iyo fardooley ah inay naga caawiyaan cadowga jidka noo jooga, maxaa yeelay, boqorka baannu la hadallay oo ku nidhi, Gacanta Ilaahayagu waxay saaran tahay intii isaga doondoonta oo dhan, wayna u wanaagsan tahay; laakiinse xooggiisa iyo cadhadiisu waxay ka gees yihiin in alla intii isaga ka tagta oo dhan.

akhri dhamaystiran cutubka Cesraa 8