Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cesraa 4:17-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Markaasaa boqorkii wuxuu warqad jawaab ah u soo diray taliyihii Rexuum ahaa, iyo karraanigii Shimshay ahaa, iyo intii kaloo saaxiibbadooda ahayd oo Samaariya degganaa, iyo dadkii kaloo webiga shishadiisa degganaa, oo wuxuu yidhi, Nabad iyo wax la mid ahu korkiinna ha ahaadeen.

18. Warqaddii aad noo soo dirteen bayaan ayaa hortayda loogu akhriyey.

19. Oo anna amar baan bixiyey, oo buugaggii baa la baadhay, oo waxaa la helay in magaaladanu waagii hore boqorro ku kici jirtay, iyo in dhexdeeda lagu caasiyoobi jiray oo lagu fallaagoobi jiray.

20. Oo weliba Yeruusaalem waxaa xukumi jiray boqorro xoog badan, oo waxay u talin jireen inta webiga ka shishaysa oo dhan, oo gabbaro, iyo canshuur, iyo baadba waa la siin jiray.

21. Haddaba idinku waxaad amar ku bixisaan in nimankaasu shuqulka joojiyaan iyo inaan magaaladaas la dhisin ilaa aan amar bixiyo.

22. Oo idinku iska jira inaydnaan xaalkaas daynin, waayo, bal maxaa khasaare ugu sii kordhaya in waxyeello boqorrada gaadho?

akhri dhamaystiran cutubka Cesraa 4