Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Caamoos 7:7-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Oo haddana wax buu i tusay, oo bal eeg, Sayidku wuxuu ag istaagay derbi xadhig miisaan leh lagu sameeyey, isagoo xadhig miisaan leh gacanta ku haysta.

8. Markaasaa Sayidku wuxuu igu yidhi, Caamoosow, maxaad aragtaa? Oo anna waxaan ku idhi, Waxaan arkaa xadhig miisaan leh. Markaasaa Sayidku wuxuu yidhi, Bal eeg, anigu xadhig miisaan leh baan dhigi doonaa dadkayga Israa'iil dhexdooda, oo mar dambena iyaga iska dhaafi maayo.

9. Oo meelaha sare ee reer Isxaaq cidla way noqon doonaan, oo meelaha quduuska ah ee dalka Israa'iilna way baabbi'i doonaan, oo anna reerka Yaaraabcaam seef baan kula kici doonaa.

10. Markaasaa Amasyaah oo ahaa wadaadkii Beytel farriin u diray Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Caamoos shirqool buu kuugu dhigay dadka Israa'iil dhexdooda, oo dadka dhulkuna erayadiisa oo dhan ma qaadi karaan.

akhri dhamaystiran cutubka Caamoos 7