Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Caamoos 6:3-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Waxaa iska hoogay kuwiinna maalintii sharka fogeeya, oo ka dhiga fadhigii dulmiga inuu soo dhowaado,

4. oo sariiro foolmaroodi ah ku jiifsada, oo gogosha isku kala bixiya, oo cuna baraarka idaha iyo weylaha edegga ku dhex jira,

5. oo u heesa dhawaaqa shareeradda, oo isu hindisa alaab muusiko sidii kuwii Daa'uud,

6. oo khamriga maddiibadaha ku cabba, oo ku subkada saliidda ugu wada fiican, laakiinse kama murugaysna dhibaatada reer Yuusuf haysata.

7. Haddaba sidaas daraaddeed iyagu waxay haatan raaci doonaan kuwa marka hore maxaabiis ahaanta loo kaxaysan doono, oo diyaafadda kuwa iskala bixin jiray waa dhammaan doontaa.

8. Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa.

9. Oo haddii toban nin guri keliya ku hadho way dhiman doonaan.

10. Oo markii nin adeerkiis oo ah kan isaga gubi doona uu kor u qaado inuu lafaha guriga ka soo bixiyo, oo uu ku yidhaahdo kan guriga gudihiisa shishe ku jira, War weli ma qaar baa kula jooga? Oo isna uu yidhaahdo, Maya, markaasuu ku odhan doonaa, War naga aamus, waayo, waa inaannan magaca Rabbiga soo qaadin.

11. Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.

12. Miyaa fardo dhagaxa ku ordi doonaan? Miyaase mid halkaas dibi ku beerjeexi doonaa? Laakiin, idinku garsooriddii waxaad u beddesheen xammeeti, oo midhihii xaqnimadana waxaad u beddesheen dacar.

13. Waxaad ku rayraysaan wax aan waxtar lahayn, oo waxaad tidhaahdaan, Miyaannan geeso kula soo yeelan xooggayaga?

14. Laakiinse bal eega, dadka dalka Israa'iilow, Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruun baan idinku soo kicin doonaa, oo iyana waxay idinku dhibi doonaan tan iyo meesha Xamaad laga galo iyo ilaa webiga Carabaah.

akhri dhamaystiran cutubka Caamoos 6