Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Caamoos 1:1-2 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kuwanu waa erayadii Caamoos oo ka mid ahaa xoolojirkii reer Teqooca, iyo wixii uu arkay oo ku saabsanaa dalka Israa'iil wakhtigii uu Cusiyaah dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, iyo wakhtigii uu Yaaraabcaam ina Yoo'aash dalka Israa'iil boqorka ka ahaa, muddo laba sannadood ka horraysay dhulgariirkii.

2. Oo isagu wuxuu yidhi, Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu Yeruusaalem kaga hadli doonaa, kolkaasay daaqsiimaha adhijirradu barooran doonaan, oo Buur Karmel dhaladeeduna way engegi doontaa.

akhri dhamaystiran cutubka Caamoos 1