Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 4:2-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Markaasaa Eliishaa wuxuu iyadii ku yidhi, Bal ii sheeg, maxaan kuu sameeyaa? Oo maxaad guriga ku haysataa? Iyana waxay tidhi, Anigoo addoontaada ah guriga waxba iima yaalliin dheri saliid ah mooyaane.

3. Oo isna wuxuu ku yidhi, Tag, oo weelal weyddiiso derisyadaada oo dhan, oo ha ahaadeen weelal madhan, wax yarna ha soo weyddiisan.

4. Oo waa inaad gurigaaga gashaa oo adiga iyo wiilashaadu albaabka isku soo xidha, oo markaas weelashaas saliidda ku shub, oo intii buuxsanta oo dhan gees u dhig.

5. Sidaas daraaddeed isagii way ka tagtay, oo iyadii iyo wiilasheedii albaabkii bay isku soo xidheen, oo iyaguna weelashii bay u keenkeeneen, iyana way ku shubtay.

6. Oo markii weelashii ay wada buuxsameen ayay wiilkeedii ku tidhi, Weliba weel kale ii keen. Markaasuu ku yidhi, Weel dambe ma hadhin. Dabadeedna saliiddii way joogsatay.

7. Markaasay soo kacday, oo waxay u soo sheegtay ninkii Ilaah, oo isna wuxuu ku yidhi, Tag oo saliidda iibi, oo deynkaagii ku bixi, oo adiga iyo wiilashaaduna inta hadha ku noolaada.

8. Oo waxaa maalin dhacday in Eliishaa Shuuneem tegey, oo halkaasna waxaa joogtay naag weyn, oo iyana waxay isagii yeelsiisay inuu wax cuno. Oo haddana mar alla markuu soo ag maray ayuu xaggeeda u leexday inuu wax ka cuno.

9. Markaasay ninkeedii ku tidhi, Bal eeg, waxaan gartay in ninkan oo had iyo goor ina soo ag maraa uu yahay nin Ilaah oo quduus ah.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 4