Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 4:16-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Oo isna wuxuu yidhi, Markii wakhtigu soo wareego xilligan oo kale wiil baad laabta ku qabsan doontaa, oo iyana waxay tidhi, Maya sayidkaygiiyow, oo adigu nin yahow Ilaah anoo addoontaada ah been ha ii sheegin.

17. Oo naagtiina way uuraysatay, oo wiil bay dhashay markii wakhtigii soo wareegay, oo waxay noqotay sidii Eliishaa iyada ku yidhi.

18. Oo wiilkii markuu koray waxaa maalin dhacay inuu aabbihiis u tegey meeshii kuwa beeraha gooyaa ay joogeen.

19. Oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Madaxa madaxa! Oo isna wuxuu addoonkiisii ku yidhi, War qaad, oo hooyadiis u gee.

20. Oo markuu soo qaaday oo hooyadiis u keenay, tan iyo duhurkii ayuu jilbaha hooyadiis ku fadhiyey, dabadeedna wuu dhintay.

21. Oo iyana kor bay u baxday, oo waxay isagii ku jiifisay sariirtii ninkii Ilaah, oo intay albaabkii ku xidhay ayay ka baxday.

22. Markaasay ninkeedii u dhawaaqday oo ku tidhi, Waan ku baryayaaye iigu cid dir midiidinnadii midkood iyo dameerihii midkood, si aan ninkii Ilaah ugu ordo oo aan haddana u soo noqdo.

23. Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa maxaad maanta ugu tegaysaa? Maanta bil cusub ma aha, sabtina ma aha. Oo iyana waxay tidhi, War way hagaagi doontaa.

24. Markaasay dameer kooraysatay, oo midiidinkeedii waxay ku tidhi, Igu kaxee oo hore u soco, oo anigoo kugu amra mooyaane ha i raajin.

25. Saas daraaddeed way tagtay, oo waxay ninkii Ilaah ugu timid Buur Karmel. Oo markii ninkii Ilaah iyadii meel fog ka arkay ayuu midiidinkii Geexasii ku yidhi, Bal eeg waxaa soo socota tii reer Shuuneem.

26. Haddaba waan ku baryayaaye ku orod oo ka hor tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ma nabad qabtaa? Ninkaagiina ma nabad qabaa? Wiilkaagiina ma nabad qabaa? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Waa nabad.

27. Oo markay ninkii Ilaah buurta ugu timid ayay cagihiisii qabsatay. Oo Geexasii baa u soo dhowaaday inuu ka durkiyo, laakiinse ninkii Ilaah baa yidhi, War iska daa, waayo, nafteedu way welwelsan tahay, oo Rabbiguna taas wuu iga qariyey, iimana sheegin.

28. Markaasay tidhi, War ma Rabbigaan wiil ka doonay? Sow kuma aan odhan, War hay khiyaanayn?

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 4