Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 25:1-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa bishii tobnaad maalinteedii tobnaad ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku kaceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen.

2. Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah.

3. Oo maalintii sagaalaad oo bishii afraad ayaa abaartii magaaladii aad iyo aad ugu xumaatay, oo sidaas daraaddeed dadkii dalka degganaa cunto ma haysan.

4. Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammu intay habeennimo carareen ayay mareen jidkii iriddii u dhexaysay labada derbi oo ku ag tiil beertii boqorka; oo boqorkiina wuxuu maray jidkii Caraabaah. (Haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada.)

5. Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa boqorkii eryaday, oo waxay ku gaadheen bannaannadii Yerixoo; oo ciidankiisii oo dhammuna way ka kala firdheen.

6. Oo markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah, wayna xukumeen.

7. Oo Sidqiyaah wiilashiisiina hortiisay ku laayeen, dabadeedna Sidqiyaah indhihii bay ka soo bixiyeen, silsiladona bay ku xidheen, oo waxay u kaxeeyeen Baabuloon.

8. Haddaba bishii shanaad, maalinteedii toddobaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadnesar boqorkii Baabuloon ayaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo ahaa addoonkii boqorkii Baabuloon.

9. Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka; oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.

10. Markaasaa ciidankii reer Kaldayiin oo dhan oo la socday sirkaalkii askarta waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa.

11. Oo Nebuusaradaan wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay.

12. Laakiinse sirkaalkii askartu wuxuu ka tegey dadkii waddanka ugu liitay inay ahaadaan kuwa canabka iyo beeraha kale ka shaqeeya.

13. Markaasaa reer Kaldayiin jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon.

14. Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabta laambadaha lagu safayn jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

15. Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii; intii dahabka ahayd, dahab ahaan buu u qaaday, intii lacagta ahaydna lacag ahaan.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 25