Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 24:14-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Oo haddana wuxuu kaxaystay reer Yeruusaalem oo dhan, iyo amiirradii oo dhan, iyo raggii xoog lahaa oo dhan, oo wada ahaa toban kun oo maxaabiis ah, iyo saanacyadii oo dhan, iyo tumaalladii, oo ninna ma hadhin dadkii dalka ugu liitay mooyaane.

15. Oo wuxuu Baabuloon u kaxaystay Yehooyaakiin; oo boqorka hooyadiis, iyo boqorka naagihiisii, iyo saraakiishiisii, iyo raggii dalka madaxda u ahaa maxaabiis ahaan ayuu Yeruusaalem uga kaxaystay oo Baabuloon la tegey.

16. Oo boqorkii Baabuloon maxaabiis ahaan ayuu Baabuloon u keenay raggii xoogga lahaa oo dhan oo tiradoodu ahayd toddoba kun, iyo saanacyadii iyo tumaalladii oo iyana kun ah, oo kulligood way wada xoog badnaayeen, oo dagaalyahan bay ahaayeen.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 24