Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 14:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Yoo'aash ina Yoo'aaxaas ee ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Amasyaah ina Yoo'aash dalka Yahuudah boqor ka noqday.

2. Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yehoocaddiin tii reer Yeruusaalem.

3. Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale; wuxuuse sameeyey kulli wixii aabbihiis Yoo'aash sameeyey oo kale.

4. Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadku weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.

5. Oo haddiiba markii boqortooyadiisii xoogaysatay ayuu laayay addoommadiisii dilay boqorkii aabbihiis ahaa.

6. Laakiinse gacankudhiiglayaasha carruurtoodii ma uu dilin; oo wuxuu yeelay sida ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse sidii Rabbigu amray, isagoo leh, Aabbayaasha yaan loo dilin carruurtooda, carruurtana yaan loo dilin aabbayaashood; laakiinse nin waluba dembigiisa ha u dhinto.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 14