Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 11:1-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor oo dhan.

2. Laakiinse Yehooshebac oo ahayd Boqor Yooraam gabadhiisii, oo Axasyaahna walaashiis ahayd, waxay la tagtay Axasyaah wiilkiisii Yoo'aash, oo ay ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay, isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo, oo iyana Catalyaah way ka qariyeen, sidaas daraaddeed isagii lama dilin.

3. Oo isna iyadii buu la joogay, oo wuxuu kula qarsoonaa gurigii Rabbiga intii lix sannadood ah; oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.

4. Oo sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac u cid diray oo isugu yeedhay boqol u taliyayaashii u taliyey reer Kaarii iyo askartii ordi jirtay, oo gurigii Rabbiga ayuu keensaday; markaasuu axdi la dhigtay oo iyagii gurigii Rabbiga gudihiisa ku dhaariyey, dabadeedna wuxuu tusay wiilkii boqorka.

5. Wuuna amray oo ku yidhi, Idinku sidan yeela: meeshiinna saddexaad ee sabtida gashaa waa inay guriga boqorka ilaaliyaan;

6. oo meel saddexaadna iridda Suur ha joogeen; meel saddexaadna ha joogeen iridda askartii ordi jirtay ka dambaysa; sidaas waa inaad guriga u ilaalisaan oo aad wax uga celisaan.

7. Oo labadiinna guuto oo ah kulli inta sabtida baxda oo dhanba waa inay guriga Rabbiga ilaaliyaan iyagoo boqorka ku wareegsan.

8. Oo idinku waxaad isku wareejisaan boqorka idinkoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo midkii safafka soo dhex gala ha la dilo, oo boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.

9. Oo boqol u taliyayaashiina way yeeleen wixii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan; oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaa, oo waxay u yimaadeen wadaadkii Yehooyaadaac ahaa.

10. Markaasaa wadaadkii wuxuu boqol u taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Rabbiga yiil.

11. Markaasay askartii isagoo nin waluba hubkiisii gacanta ku haysto istaageen guriga dhankiisii midig iyo ilaa dhankiisii bidix iyo meeshii allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen.

12. Markaasuu wiilkii boqorka soo bixiyey, oo wuxuu madaxa u saaray taajkii, markhaatifurkiina wuu siiyey; oo waxay ka dhigeen boqor, wayna subkeen, kolkaasay u sacbiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 11