Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 10:14-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Oo isna wuxuu yidhi, iyagoo nool nool qabqabta. Markaasaa la qabtay iyagoo nool nool, oo waxaa iyagoo ah laba iyo afartan nin lagu ag laayay godkii guriga adhijirrada, oo midkoodna kama uu tegin.

15. Oo markuu halkaas ka tegey ayuu la kulmay Yehoonaadaab ina Reekaab oo soo socda inuu ka hor tago, oo intuu salaamay ayuu ku yidhi, War sidaan kuugu qalbi fayoobahay oo kale ma iigu qalbi fayow dahay? Markaasaa Yehoonaadaab ugu jawaabay, Haah, oo waan kuu qalbi fayoobahay. Isna wuxuu yidhi, Hadday saas tahay gacanta ii dhiib. Markaasuu gacanta u dhiibay, oo isna gaadhifaraskiisii ayuu soo saartay.

16. Markaasuu ku yidhi, Kaalay, i raac, oo fiiri qiirada aan Rabbiga u qabo. Sidaasaa loo fuushiyey gaadhifaraskiisii.

17. Oo haddana markuu Samaariya gaadhay ayuu wada laayay intii Axaab Samaariya ugu hadhay oo dhan ilaa uu u baabbi'iyey sidii uu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Eliiyaah.

18. Markaasaa Yeehuu soo wada ururiyey dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Axaab in yar buu Bacal u adeegi jiray, laakiinse anoo Yeehuu ah si weyn baan ugu adeegi doonaa.

19. Haddaba sidaas daraaddeed iigu soo wada yeedha nebiyadii Bacal oo dhan, iyo intii isaga caabudi jirtay oo dhan, iyo wadaaddadiisii oo dhan; oo midna yuusan ka maqnaan, waayo, allabari weyn baan Bacal u bixinayaa; oo ku alla ka maqnaadaa noolaan maayo. Laakiinse Yeehuu saas khiyaanuu u sameeyey, waayo, wuxuu damacsanaa inuu wada baabbi'iyo inta Bacal caabudda oo dhan.

20. Yeehuuna wuxuu yidhi, Shir weyn Bacal quduus uga dhiga. Oo taas waa la naadiyey.

21. Oo Yeehuuna wuxuu u cid diray dalka Israa'iil oo dhan, markaasaa waxaa yimid intii Bacal caabudi jirtay oo dhan, sidaas daraaddeed nin aan iman ma jirin. Oo waxay soo galeen gurigii Bacal; oo gurigii Bacalna waa buuxsamay gees ilaa gees.

22. Markaasuu wuxuu ku yidhi kii meeshii dharka u sarreeyey, Inta Bacal caabudda oo dhan dhar u keen. Kolkaasuu dhar u keenay.

23. Markaasaa Yeehuu iyo Yehoonaadaab ina Reekaab waxay galeen gurigii Bacal, Yeehuuna wuxuu ku yidhi kuwii Bacal caabudayay, Baadha oo iska fiiriya inaan halkan addoommadii Rabbiga waxba idinkala joogin, laakiinse aad tihiin kuwa Bacal caabuda oo keliya.

24. Markaasay gudaha u galeen inay allabaryo iyo qurbaanno la gubo bixiyaan. Haddaba Yeehuu wuxuu mar hore soo doortay siddeetan nin inay dibadda joogaan, oo wuxuu ku yidhi, Nimanka aan gacantiinna soo geliyo hadduu midna baxsado, kii sii daaya ayaa naftiisa loo qisaasayaa.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 10